|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Sheekh Maxamed Xaaji Cabdulqaadir ayaa maanta lugu dilay gudaha Magaaladaasi Baydhabo.
Kooxo ku hubeysan Bistoolado iyo Qoriga loo yaqaano Ak-47 ayaa Marxuumkan ku dilay gudaha Suuqa weyn ee Magaalada Baydhabo, weyna baxsadeen markii ay falkaan geysteen.
Dadweynaha ku dhaqan Suuqa weyn ayaa walaac arintaan ka muujiyey, waxa ayna sheegeen in ay ragan ahaayeen kuwa wajiyadoodu xiran yihiin, marka laga reebo Labo nin oo wadatey qoryaha Muuqda ee Ak-47 ee ay labada geystay falkaan ay Madaxyadoodu xirnaayeen.
Dilka Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Magaalada Baydhabo wuxuu saameyn weyn ku yeeshay Magaalada Baydhabo oo dhan oo laga dareemayo, waxaana warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay Ciidamada Boolisku qabteen dad ay uga shakisan yihiin in ay ka dambeeyaan falkaasi.
Sheekh Maxamed Xaaji wuxuu xilkan qabtey markii ay Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya dagtay Magaalada Baydhabo, Maamulkana loosameeyey wuxuuna ka mid ahaa dad siweyn uga soo horjeeday Kooxaha diidan Dawladda.
48 saac gudahood Magaalada Baydhabo waa markii labaad oo lugu dilo Masuul ka tirsan Maamulka Soomaaliya, waxaana 24 saac ka hor la dilay Marxuum Maxamed Cusmaan Maye oo ahaa mudane Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa oo ay dileen Kooxo hubeysan.
|